Jaamacadda Badda Cas oo laga daah furay Laab-ka Kulliyadda Culuumta Computer-ka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Eng. Cabdullaahi Maxamed Xasan, Gudoomiyaha BOD-ka Jaamacadda Eng. Asad, Kusimaha Gudoomiyaha Jaamacadda ahna gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maaliyada Dr. Faisal Maaxiye iyo Gudoomiyaha Dallada PUNSAA Abdirahman Abdirasak ayaa si wada jir ah u daah furay Laab-ka Kulliyadda Culuumta Computer-ka ee Jaamacadda Badda Cas.

Daah furkaan waxaa kasoo qayb galay Rugta Ganacsiga ee Puntland, Shirkadaha ganacsiga, Bangiyada iyo maamulayaasha dugsiyada sare ee magaalada Bosaso.
Laab-kan oo u qalabeysan si casri ah ayaa qayb ka ah saddex mashruuc oo kala ah lab-ka Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Dhismaha Cusub ee Kulliyadda Shareecada oo dhammaan laga hirgeliyay Jaamacadda sannad waxbarasheedkan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *