Xarig jarka Lab-ka Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Badda Cas.

Maamulka sare ee Jaamacadda Badda Cas, Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Bari iyo Masuuliyiin kale ayaa xarigga ka jaray Lab-ka Kulliyadda Culuumta Caafimaadka.

Ustaad Cabdirisaaq Axmed Cali Hormuudka kulliyadda ayaa sheegay in lab-kan ay ku tababaran doonaan ardayda dhigata qaybaha kala duwan ee Kulliyadda oo kala ah (Public Health, Nutrition, Nursing, Midwifery iyo Laboratory).

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Dr. Faysal Cabdirixmaan Cabdullaahi ayaa asna sheegay in jaamacaddu dadaal badan ku bixisay hirgelinta lab-kan oo qayb weyn ka qaadan doona tayada waxbarashada gaar ahaan Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee jaamacada Badda Cas.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Bari ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalada ay waddo Jaamacaddu asagoo uga mahadceliyay sida ardayda kulliyaddu uga qaybqaataan wacyigelinta bulshada dhanka Caafimaadka iyo Fayodhowrka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *