QALINJABINTA DUFCADII 11AAD EE ARDAYDA JAMACADA BADDA CAS BOOSAAASO

Warbixin

Xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda Badda Cas Dufcadda 11aad ayaa ka dhacday 15 December 2022, xarunta weyn ee jaamacadda ee magaalada Boosaaso.

Ardayda sannad waxbarasheedka 2021-2022 ka qalinjebisay jaamacadda waxay barteen 7 kulliyadood oo kale ah: Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka, Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, Kulliyadda Waxbarashada, Kulliyadda Culuumta Computer-ka, Kulliyadda Caafimaadka Xoolaha iyo Kulliyadda Culuumta Bulshada.

Marti sharaftii ka soo qaybgalay xafladda ayaa waxaa ka mid ahaa Golaha sare ee jaamacadda, Madax dhaqan, Masuuliyiinta Dowladda, Ganacsato, Bahda waxbarashada sarę, Ardayda iyo waalidiintooda iyo qaar kale oo kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa ku amaanay jaamacadda dadaalka ay ku bixisay ardaydan qalinjebinaysa, ayagoo u jeediyay ardayda hadallo isugu jira bogaadin iyo dardaaran.

Salam Bank Puntland ayaa fursad shaqo oo shuruud la’aan ah siiyay ardayadda Nakruuma Cabdicasiis Cali oo kaalinta 1aad u qashay qaybtii ay dhiganaysay ee Xisaabaadka iyo Bangiyada (Banking & Finance).

Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Cabdullaahi Sh Xasan ayaa sheegay in laga soo bilaabo asaaskii jaamacadda ee 2008 ay ku tilaabsadeen horumar dhinacyo badan ah, iyadoo jaamacaddu xiriiro kala duwan la yeelatay Ururo caalami ah sida Ururka Jaamacadaha Carabta iyo Jaamacaddo kale oo ka dhisan dalka iyo dibadiisab ba.

“Si kor loogu qaado tayada waxbarashada waxay Jaamacaddu xarigga ka jartay wajiga 1aad ee Dhismaha Cusub ee Kulliyadda Shareecada, sidoo waxaa dhawaan la daahfuri doonaa lab-ka Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo lab-ka Kulliyadda Culuumta Computer-ka” ayuu sheegay Prof Cabdullaahi Sh Xasan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *