Hambalyo PhD: Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi

Jaamacadda Badda Cas ayaa qabatay munaasabad loogu hambalyaynayo Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ka mid ah barayaasha Jaamacadda oo dhawaan qaatay shahaadada sare ee PhD. Dr. Faysal oo loo garan ogyahay Maaxiye ayaa muddo 4 sano iyo bar ah ka diyaarinayay Asia University – Malaysia takhasuska Maalgelinta Ganacsiga iyo Maamulka Xisaabaadka. “Guushan waxay sharaf u tahay dhammaan bahda waxbarashada gaar ahaa Jaamacadda Badda Cas maadaama uu Dr. Faysal ka mid ahaa ardaydii horay uga qalinjabiyay Jaamacaddan” sidaas waxaa yiri Prof. Cabdullaahi Sh Xasan Guddoomiyaha Jaamacadda Badda Cas oo soo xirayay Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday Dowladda, Jaamacadaha Puntland, Bangiyada, Shirkadaha ganacsiga, Ha’ayaddaha gargaarka iyo Barayaal.

2 thoughts on “Hambalyo PhD: Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *