Jaamacadda Badda Cas ayaa soo gabagabysay imtixaankii kama dambaysta ahaa ee sannad waxbarasheedka 2022-2023.
Maamulka Jaamacadda Badda Cas wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan ardayda qaybaha kala duwan ee Kulliyadaha Jaamacadda oo soo afmeeray imtixaankii ugu dambeeyay ee sannad waxbarasheedka 2022-2023.
Sidoo kale maamulku wuxuu uga mahadcelinaynaa hormuudyada Kulliyadaha, macallimiinta iyo dhammaan hawlwadeenada Jaamacadda dadaalkii ay ku bixiyeen habsami u socodka imtixaanka.